Hargeysa(RH)Wasaaradda Horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay in 29 qof oo cusub laga helay xannuunka Covid-19, 48 saacadood ee u dambeeyey, iyada oo aanay jirin waxa dhimasho ah oo cusubi.
Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland
Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey ee ka qayb-galay Shirkii wada-hadallada u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya ee dalka Jabuuti ka qabsoomay, ayaa maanta dalka Dib ugu soo laabtay, waxana si aan kala hadh lahayn usoo dhaweeyey shacabka ku dhaqan degmooyinka kala duwan ee caasimadda Hargeysa.
Boorama(RH):-Wasaaradda Horumarinta beeraha Somaliland ayaa maanta hawlo Ayax buufin ah ka fulisay deegaamo ka tirsan gobolka Awdal oo si xun u aafeeyay Ayax beryahanba goboladda dalka ku habsaday.
Buufinta Ayaxa ee ay wasaaradda beeruhu ka fulisay gobolka Awdal ayaa noqonaysa wejigii koowaad ee la dagaalanka Ayaxa, taasoo qayb ka ah xakamaynta Ayaxan dilaacay.
Hargeysa(RH)Saameynta dhaqaale ee xannuunka Covid-19 uu ku yeelanayo bulshada danyarta ah dhexdeeda ayaa ah mid hada looga dareemayo Gudaha Somaliland, maadama dadkani intooda badan ay qabtaan shaqooyin yar yar oo ay ku maareeyn jireen noloshooda, kadib xayiraddaha la xidhiidha xannuunka safmareenka ah ee Covid-19.
Hargeysa(RH)Allah Ha U Naxariistee Qofkii 27 ayaa Magaalada Hargeysa Ugu Geeriyooday Xanuunka Covid-19 Marxuunkan geeriyooday ayaa da'diisu ahayd 68jir.
Sida ay Maanta Xaqiijisay Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland
Hargeysa(RH)Waxaa Maanta imtixaanka u billaabmay ardeyda ku jirta sannadka u danbeeyay ee jaamacadda Hargeysa.
Dhammaanba ardeydii u fadhiisatay imtixaanka saaka, ayaa fuliyey go’aamadii guddida covid-19, ee ahaa xidhashada Af-saabka, Gacmo-gashiga, iyo kala fogaanshiyaha.
Hargeysa(RH)In ka badan boqol qof oo u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland oo ku xanibnaa dalka Turkiga ayaa guddi isxilqaantay oo reer Somaliland ahi dib ugu soo celiyeen dalka, iyaga oo adeegsanaya shirkadda waddaniga ah ee Daallo, kuwaas oo uu xannibay xannuunka Coronavirus.
Hargeysa(RH)Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuux Xiir (Faratoon) ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Dhiiggiisa Soomaaliya Axmed Ciise Cawed.
Wasiir Cawed ayaa shalay sheegay in DP World oo Maalgelin ka wadda Somaliland ay dhibaato ku hayso Soomaaliya, sida Faro-gelin, sidaasi darteed ay dalka ka saarayaan.
Hargeysa(RH)Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay tirada Dad cusub oo laga helay Xanuunka Covid_19.
Hargeysa(RH)Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu mar kale fadhi aan caadi ahayn isugu yeedho toddobaadka soo socda xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland si ay waajibaadkooda distooriga ah uga gutaan labadii xubnood ee ay Xisbiyada UCID iyo Waddani u xuleen Xubnaha Gudida Doorashooyinka Qaranka Somaliland .
Pagination
- Previous page
- Page 26
- Next page