Hargeysa(RH)Allah Ha U Naxariistee Qofkii 25aad ayaa xalay Magaalada Burco Ee Gobolka Togdheer Ugu Geeriyooday Xanuunka Covid-19,Qofkan Geeriyooday ayaa ahaa nin da'diisu ahayd 52 jir.
Geesta kale Baadhitaanadii ay Wasaarada Caafimaadka Somaliland Samaysay 24kii saacadood ee u danbeeyey laguna Baadhay 83 qof ayaa waxaa xanuunka Coronavirus laga Helay 19 qof kuwaasi oo dhamaantood ah Somalilander. Bukaanadan ayaa kala ah 12 qof oo rag ah , iyo 7 qof oo dumar ah