Hargeysa(RH):-Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta madaxweynaha Jamhuuriyadda Somailand, Mudane Muuse Biixi Cabdi hortiisa ku dhaariyey labadii xubnood ee Komishanka doorashooyinka qaranka ka dhinnaa ee ka socday labada xisbi mucaarid ee Ucid Iyo Waddani.
Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland
Hargeysa(RH):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Prof Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa maanta hortagay guddida hoosaadka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee golaha wakiilada Somaliland.
Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadoodu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-530/062020 iyo JSL/XM/WM/222-531/062020, uu xilalkii kaga qaaday kuwa kalena ugu magacaabay gudoomiyeyaasha Gobolada Dalka qaar ka mida, sidoo kalena uu ku sameeyey bedel.
Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinkaasi Madaxweynuhu Sidan:-
Hargeysa(RH):-Xukuumada Somaliland ayaa Maanta Siidaysay laba hablood oo fanaaniin ah, oo muddo laba bilood ka badan ku xidhnaa Xabsiga Dhexe ee magaalada Hargeysa.
Labada Hablood ee fannaaniinta ah oo kala ah Xamda Qaali iyo Barwaaqo-qalanjo ayaa ciidammada Booliska ee Somaliland xabsiga u taxaabeen, ka dib markii ay ka soo laabteen magaalada Muqdisho oo ay ku tageen safar Faneed.
Hargeysa(RH):-Mashruuca maamul daadejinta Dawladda Hoose ee loo soo gaabiyo JPLG ayaa sannadkan loo bedelay la dagaalanka iyo ka hortaga Xanuunka Covid19, iyadoo laga fulinaayo degmooyinka dalka ee uu ka jiro Adeega JPLG-gu, waxaana sannadka mashuurucu uu ka qeyb qaadanayaa sidii dadka looga bad baadin lahaa xanuunkaasi.
Hargeysa(RH):-Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Macdanta ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal Ayaa Warsaxaafadeed uu Soo Saaray Awaamiir culus faray qaar ka mid ah Shirkadaha laydhka ee gobollada dalka qaarkood.
War-saxaafadeedkan ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Macdanta JSL Oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Warqabadka Radio Hormuud ayaa u dhignaa Sidan:-
Hargeysa(RH)Xukuumadda Somaliland ayaa Maanta si Rasmi ah Xayiraadii Uga qaaday dhammaan xayiraadiihii ay ku soo rogtay Dalka ee lagaga hortagayay faafitaanka Xanuunka CoronaVirus.
Xukuumadda Somaliland Waxyaabaha ay fasaxday waxaa ka mid ah Duullimaayada Diyaaradaha, Ciyaaraha, Waxbarashada, Hotelada iyo Dhammaan waxkasta oo hore loo joojiyay.
Hargeysa(RH)Wasiirka wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa jawaab adag ka bixiyey hadalka ka soo yeedhay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland .
Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-521/062020, ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Togdheer.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Hargeysa(RH)Allah Ha U Naxariistee qofkii 28aad ayaa Gudaha Somaliland Ugu Geeriyooday Xanuunka Coronavirus sida ay Maanta Xaqiijisay Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland
Sidoo kale Wasaarada Caafimaadka Somaliland waxay sheegtey baadhitaano lagu sameeyay 103 qof in 15 qof oo cusub laga helay Xanuunka Covid-19 waxayna kala yihiin 12 Rag ah iyo 3 Dumar ah.
Pagination
- Previous page
- Page 25
- Next page