Hargaysa(RH):- Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta furay shirweyne ay soo agaasintay Wasaaradda Waxbarashadda kaas oo lagaga arrinsanayay sidii dib loogu furi lahaa dugsiyadda waxbarasho ee dalka ee sannad dugsiyeedka 2020-2021 maadaama uu saamayn ku yeeshay Xannuunka Coronavirus.Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen Mas’uuliyiin ka socota Wasaaradda Waxbarashadda,Maamuladda dawladaha hoose ee dalka iyo hay’ado caalami ah.Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadda Axmed Abokor Maxamed ayaa she
Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland
Hargeysa(RH):-Hoggaanka saddexda xisbi qaran ee Somaliland Ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI, ayaa maanta kala saxeexday heshiis rasmi ah oo ku saabsan qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada ee sannadka 2020-ka.
Oodweyne(RH)wasaaradda degaanka iyo horumarinta reer miyiga gobolka daad-madheedh ayaa hawlgalo ka fulisay gobolkaas degaano kamid ah, kuwaas oo degaamaysi sharci daro ah laga sameeyey.
Wasaaradda ayaa hawlgalkan samaysay iyada oo kaashanaysa ciidamada Booliska ee gobolka Daad-Madheedh, waxaanay gebi ahaanba baabi’isay berkado laga sameeyey dhul daaqsimeedyo dadka ka dhaxeeya oo ku yaalla gobolka Daad-madheedh.
Gabiley(RH)Xubno ka mid ah ciidamada booliska Somaliland iyo Ciidamada ilaaladda Nabadgalyada Wadooyinka ee gobolka Gebiley ayaa lagu tabobaray adeegga first aid-ka ee loogu talo galay in gurmadka deg dega ah lagu galo.
Hargeysa(RH):-Dawladda Dalka Maraykanka ayaa ammaantay xidhiidhka Cusub ee dhexmaray dawladdaha Taiwan iyo Jamhuuriyadda Somaliland.
Xafiiska Aqalka Cad u qaabilsan arrimaha Amniga Qaranka ayaa soo si weyn u soo dhaweeyey galaangalka diblumaasiyadeed ee Tiawan ay ka bilowday Bariga Afrika gaar ahaana Jamhuuriyadda Somaliland.
Hargeysa(RH):-Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo maanta xafiiskiisa shir jaraa’id ku qabtay ayaa ka xogwaramay xidhiidhka dhexmaray Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Taiwan.
Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Waxa Uu Dal-weynaha Maraykanka Iyo Shacabkiisa Ku Hambalyeynayaa Sannad Guurada Ka Soo Wareegtay Markii Ay Madax-bannaanida Qaateen.
Hargeysa(RH)Fadhigii 60aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa maanta lagaga hadlay xaalada guud ee amniga dalka, heerka xanuunka COVID-19 iyo halka uu marayo la dagaalankii lagu hayey Ayaxa ku habsaday qeybo ka mid ah Dalka.
Hargeysa (RH):-Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Cabdinaasir Caydiid Maxamed ayaa uga digay dadka ajaanibta ah ee Qaxoontinimada ku jooga dalka in aanay wax shirar siyaasadeysan ku qaban karin Wadanka.
Hargeysa(RH):-Xidhiidh Cusub oo diblumaasiyadeed ayaa ka dhexmarey Somaliland iyo Dalka Taiwan.
Xidhiidhkan Diblumaasiyadeed Ayaa ah mid muddo laga shaqanayey Waxayna Labada Dawladood ay si gaar gaar ah u shaaciyeen in Xidhiidhkan Cusub ee Somaliland iyo Taiwan uu yahay mid laysku Afgartey in ay labada dal ay dhawaan Safaarado ka kala furan doonaan labada Caasimadood.
Pagination
- Previous page
- Page 24
- Next page