Hargeysa(RH)Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi), ayaa sheegay in hoos u dhigeen qiimaha lacagta doolarka, si la iskugu dheeli tiro sarrifka lacagta iyo maceeshada kala duwan.
Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland
Hargeysa(RH)Waxaa Maanta si Nabada oo Xasilooni ku Dheehantahay looga ciiday Gobollada,Degmooyinka iyo Tuulooyinka Jamhuuriyadda Somaliland .
Saaxil:
Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaadda Ciidul-fidriga oo ku beegan maanta oo ay bisha Shuwaal curatay, sannadka 1440-ka taariikhda Hijriyada.
Berbera(RH)Maamulka Shirkadda DP World ayaa ka warbixiyey markabkii ugu weynaa ee dekedda Berbera ku soo xidha oo xalay soo gaadhey magaalada Berbera.
Hargeysa(RH)Xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta Madaarka Cigaal International Airport ee Hargeysa kusoo dhaweeyey saddex askari oo kamida Ciidamada Qaranka Somaliland oo gacanta ugu jiray Maamul Goboleedka Puntland, waxaana soo dhaweeyey Saraakiishan Wasiiradda Wasaaraddaha Gaashaandhiga, Arrimaha Gudaha, Cadaaladda, Taliyayaasha Ciidamada Qaranka iyo Asluubta iyo Maareeyaha Hay’adda Duulimaadyada iyo Madaarada dalka.
Laascaanood(RH)Maayorka degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale ayaa ka warbixiyey roobab waaweyn oo ka da’ay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, isaga oo sidoo kalena kormeeray qaybaha kala duwan ee magaalada Laascaanood.
Hargeysa(RH)Wasiirka wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Baanka Dhexe ayaa maanta si wadajir ah u shaaciyey Shirweyne loo Qaban doono Hay’adaha Maaliyadda ka Shaqeeya ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Wasiirka wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire Iyo Guddoomiyaha Baanka Dhexe Md. Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) ayaa si wada jir ah u shaaciyey Shirwayne loo qaban-doono hay’adaha maaliyadda ka shaqeeya ee Somaliland, kaas oo ka
Hargeysa(RH)Xubno ergo is xil-qaantay oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland , isla markaana uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, kuwaas oo duubka u xidhay sidii ay Madaxweyne Biixi ugu qancin lahayeen inuu xabsiga ka soo daayo Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, ayaa la sheegay in madaxweyne Biixi ku gacan saydhay dalabkooda.
Hargeysa(RH)Xukuumada Somaliland ayaa maanta Sii Daysay 14 Maxbuus Oo Lagu soo Qabtay Dagaalkii Tukaraq,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xuskii sannad-guurada 28-aad ee dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland ee 18-ka May, waxa uu sheegay inay Somaliland sii daynayso maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii deegaanka Tukaraq ku dhexmarey Somaliland ee maamulka Puntland .
Hargeysa(RH)Waxaa Maanta Deegaanka Darar-weyne ee Bari caasimadda Hargeysa lagu soo Gaba-gabeeyey wejiga koowaad ee barnaamijka carbiska dhallinyarada ee shaqo qaran oo muddo dhawr bilooda ka socday deegaankaasi Darar-weyne.
Pagination
- Previous page
- Page 59
- Next page