Berbera(RH):-Taliyaha qaybta Ciidanka booliska gobolka Saaxil Gaashaanle dhexe Faysal Ibraahin Yuusuf (Faysal Taygaro) ayaa ka Hadley Shil gaadhi oo sababay Khasaare Dhimasho iyo dhaawacba leh oo xalay fiidkii ka dhacay duleedka Bari ee magaalada Berbera.
Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland
Hargeysa(RH)Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inuu doonayo in Somaliland ay noqoto xarun adeegyo siisa dalalka Geeska Afrika iyo guud ahaan Afrika.
Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay in Somaliland ay ka faa’iidanayso marinka istaraatajiga ah ee ay ku taalo oo ah meesha ay isaga gooshaan maraakiibta kala duwan ee caalamku.
Nairobi(RH)Dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Austria ayaa doonaya inay yeeshaan iskaashi lagu horumarinayo ganacsiga iyo kaabeyaasha dhaqaalaha labada dal.
Hargeysa(RH)Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku bogaadisay dalka Guinea Conakry oo u dabaal-degay sannad guuradii 61-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay xornimada ka qaateen Faransiiska.
Hargeysa(RH)Kal-fadhigii 42-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaradaha horumarinta Maaliyadda iyo shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska.
Boorama(RH)Ayax Khasaare Ba”an gaystay ayaa ku habsaday dhul Beereedyo ku yaala gobolka Awdal.Qaar ka mid ah Dadka Beeraleyda ah ee ku dhaqan Gobolka Awdal Oo Warbaahinta la Hadley ayaa sheegay inuu Ayaxani waxyeelo weyn u geystay qaar ka mid ah Dalagii wax-soo-saarka Beeraha gobolka Awdal gaar ahaana tuulooyinka kala ah Xariirad, Xaliimaale, Maraaley, Ceel Baxey, Qoqol, Aroorseel iyo Weeraar.
Hargaysa(RH)Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Wasaarada Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Xasan Gaadhaafi Cali, ayaa jawab adag ka bixiyay hadallo ka soo yeedhay Murrashaxa Madaxwweyne ku Xigeenka Xisbiga Waddani oo taageero u muujiyay in jabhado dalka laga sameeyo.
Berbera(RH)Xuska Sannad guurada 24-aad ee aasaaska Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa lagu qabtay Taliska guud ee Ciidankaasi ee magaalada Berbera ee Xarunta gobalka Saaxil.
Hargeysa(RH)Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland ayaa Hakisay sharciyeynta dhul-beereedka Gobolka Selel iyo degmada Lughaya ee gobolka Awdal sida lagu sheegay Wareegto Uu soo-saarey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Md. Axmed Muumin Seed.
Hargaysa(RH):-Wasiiradda Wasaaraddaha Horumarinta Maaliyadda,Beeraha, Biyaha, Gaadiidka,Deegaanka oo ay Weheliyaan Wasiir ku xigeenada Wasaaradaha Qorshaynta,Caafimaadka iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda ayaa kulan xogwaraysi ah la yeeshay Wefti ka socday dalka Jarmalka oo booqasho ku jooga JSL.
Waxaa kulankaasi oo saacado qaatay la iska xog waraystay mashaariicda horumarineed ee dawlada jarmalku ka fuliso Somaliland.
Pagination
- Previous page
- Page 45
- Next page