Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaa uu Maanta Xafiiskiisa Xarunta Qasriga Madaxtooyada Somaliland ku qaabilay Wafti ka socday dalka Denmark oo uu Hogaaminayo safiirka dalka Denmark, Amb. Ole Thonke oo dalka ku yimid safar shaqo.
Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland
Hargaysa(RH):-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa maanta ka warbixiyey Ayax ka dilaacay meelo ka mid ah dalka .
Wasiirka wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay in ay ka diyaar garoobeen hawsha dilaacida Ayaxa, isla markaana ay si deg-dega ah uga hortageen iyaga oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo gaadiidkaku gaashaaman agabka lagula dagaalamayo Ayaxa.
Hargeysa(RH):-Wefti ka socda Hay’adda Khalifa bin Zayed Al Nahyan Foundation ayaa Jamhuuriyadda Somaliland ka furay xarun lagu sifeeyo kelyaha si ay uga faa’iideystaan in ka badan 30 bukaan ah maalin kasta.
Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo safiirka dalka Ingiriiska, Amb. Ben Fender ayaa ka wada-hadlay xaaladda amni ee gobolka .
Amb. Ben Fender oo uu wehelinaayey Mr Stuart Brown oo ah madaxa xafiiska Ingiriiska ee Somaliland oo dalka ku yimid safar shaqo oo ah safiirkii u danbeeyey shaqadiisa ayaa kulan xog warran la qaatay Xukuumadda.
Hargeysa(RH):-Guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland ayaa maanta kulan xogwareysi ah la yeeshay Masuuliyiinta wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland.
Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, oo ay wehelinayeen agaasimo waaxeedyada wasaaraddaasi ayaa guddida joogtada ah ee golaha guurtida uga warbixiyay howlaha kala duwan ee sannadkan u qorshaysan.
Hargeysa(RH):-Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa shaacisay war-bixin dheer oo ay kaga hadashay qorshe ay iyada iyo Jamhuuriyadda Jabuuti isla meel dhigeen oo ku aaddan sidii Xoolaha Waddanka Itoobiya gabi ahaanba looga dhoofin lahaa qayb cusub oo dhoofka xoolaha laga furay Dekedda Dooraale ee dalka Jabuuti Toddobaadkan, qorshahaasi oo halis weyn oo dhaqaale ku noqon kara Somaliland.
Hargeysa(RH):-Gudida doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi u soo gudbiyey warqad sumaddeedu tahay Tix: KDQ/XK/002/2021, taas oo ujeeddadeedu tahay cayimaadda doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee 2021.Xubnaha komishanka doorashooyinka oo si rasmi ah u soo gebogebeeyey wejigii labaad ee diiwaangelinta cod-bixiyayaasha.
Hargeysa(RH):-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan oo hortagay Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa Sheegay in Sannadkii tagay ee 2020-ka ay shilalka gadiidka ku dhinteen 200 oo Qof gudaha somaliland .
Berbera(RH):-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xadhiga ka jarey mashruuca tamarta cad-ceedda lagaga samaynayo laydh jaban oo ay yeelan doonto magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera.
Mashruucan oo ay maal-geliyeen dawladda imaaraadka carabta oo ah kii ugu weynaa ee laga fuliyo guud ahaan Somaliland ayaa lagu heshiiyay inay wada maamulaan Wasaaradda tamarta iyo macdanta Somaliland iyo shirkadda laydhka ee Berbera.
Xukuumada Somaliland Oo Hargeysa ka Furtey Shirka Siyaasadda Cashuuraha Ee Sannadaha 2021 Ilaa 2025.
Hargeysa(RH):-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa Magaalada Hargeysa ka furay kulan hawleed lagu lafo guraayay siyaasadda qaran ee cashuuraha Somaliland ee sanadaha 2021 illaa 2025.
Pagination
- Previous page
- Page 13
- Next page