Hargeysa(RH):-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan oo hortagay Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa Sheegay in Sannadkii tagay ee 2020-ka ay shilalka gadiidka ku dhinteen 200 oo Qof gudaha somaliland .
“Sannadkii shilalka Gaadiidka waxaa inagaga dhinta qiyaas ahaan 160 ilaa 200 oo qof, waxaanu aaminsan nahay ka xukuumad ahaan in shilalku yihiin dilaa qarsoon.Celcelis ahaan labadii maalmood ba waxaa inagaga dhinta shilalka hal qof.” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland