Muqdisho (RH)โRaโiisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta oo Axad ah si rasmi ah xilalka ugu kala wareejiyey Wasiirrada Wasaaradaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.
Labada wasiir ee xilka ku kala wareegay ayaa goobta ka akhriyay wax yaabaha u qabsoomay intii ay xafiiska joogeen, waxaana ay ballan qaadeen in wasaaradaha ay u kala wareegeen ay wax fiican ka qaban doonaan.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ay kaalin muhiim ka qaadanayso dadaalka adduunyadu ugu jirto in xal waara loo helo saameynta isbeddelka Cimilada iyo wax-ka qabashada iyo maareynta dhibaatooyinka deegaanka, halka dhinaca kale Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka uu sheegay inay fure u tahay ilaalinta xuquuqda bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka iyo carruurta.
Waxa uu ayaa ka xarriiqay baahida loo qabo wada-shaqeyn dhow oo dhex marta wasaaradaha, si loo xaqiijiyo ujeeddooyinka Xukuumadda ee ku saleysan horumarinta deegaanka, isbeddelka cimilada, kobcinta xuquuqda aadanaha, iyo taageerada bulshada nugul.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa labada Wasiir uga mahadceliyey shaqadii muhiimka ahayd ee ay soo qabteen, wuxuunna kula dardaamay inay shacabka Soomaaliyeed ugu adeegaan si hufan.
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia