Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta guud ee xisbiga KULMIYE ee caasimadda Hargeysa, waxana halkaas kusoo dhaweeyey hoggaanka xisbiga, garabka haweenka, guddoomiyayaasha degmooyinka kala duwan ee ay ka kooban tahay caasimadda Hargeysa.
Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland
Hargeysa (RH):-Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Xubno ka tirsan Golaha wasiiradda masuuliyiinta Gobolka Awdal iyo ka Degmada Boorama ayaa ka qayb galay munaasibad ay ku qalin jabinayeen Dufacdii 10-aad ee ka aflaxda Jaamacadda Eelo oo ay dhamaysteen 356-arday.
Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka cusub ee dawladda Federal-ka Itoobiya dhawaan u soo magacowday Jamhuuriyadda Somaliland, Amb Siciid Maxamed Jibriil.
Baligubadle(RH):-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Oo Ay Weheliyaan Wasiirka Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed , agaasimeyaal, maareeyaha Hay’adda Horumarinta Wadooyinka Somaliland , cuqaal, odayaal iyo guddida wadada isku xidha Hargeysa iyo baligubadle ayaa gaadhey magaaladda Baligubadle ee xarunta gobolka Hawd.
Tog-Wajaale(RH):-Taliyaha ciidanka booliska Somaliland sareeya guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa mashruuca banka Wajaale ka daahfuray tababarista ama jareynta konton oo ka mida fardaha bankaasi ee ciidamada booliska, kuwaas oo loo carbinaayo ku shaqaynta ciidamada Booliska.
Hargeysa(RH):-Golaha Wasiirrada Somaliland Oo go’aamiyey In Maxkamadda Sare Loo Gudbiyo Go’aan-ka-gaadhista Doorashooyinka, Siyaasado Qaranna Ansixiyey.
Hargeysa(RH):-Gudoomiyaha Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland Cali Ibraahin Jaamac (Baqdaadi), ayaa tabobar ku saabsan habraacyada iyo warbixinaha maaliyadeed ee la xidhiidha xeerka ka hortaga maydhaanka lacagaha u Furey xubno ka kala socday hay’adaha maaliyadeed ee dalka.
Ceerigaabo(RH):-Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo kalluumeysiga mudane Siciid Sulub Maxamed ayaa sheegay in hirgelinta dekadda Maydh ay ku baxayso adduun lacageed oo dhan shan milyan iyo badh dollar, islamarkaana loogu tallo galay in uu ku dhammaado mudo sanad iyo badh.
Sidoo kale waxaa uu fulinta mashruucan uga mahad naqay madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi.
Hargeysa(RH):-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ganaax adag dul-dhigtay Labadii Telefishanada ee Universal iyo Star ee dhawaan la xayiray.
Hargeysa(RH):-Xukuumadda Somaliland ayaa bilaabaysa dhismaha dekadda Maydh, iyada oo la sii daayay mashruuci laga maalgelinayay dekadda Maydh, islamarkaana la saxeexi doono todobaadkan.
Mashruuca ugu horeeya ee dhismaha dekadda ayaa noqon doona mid loogu tallo galay in ay ku soo xidhaan weelka kalluumeysiga iyo doonyaha bagaashka.
Pagination
- Previous page
- Page 21
- Next page