Hargeysa(RH):-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ahna Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda Jsl Garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa xafiiska Ingiriiska ee Somaliland Mr. Stuart Brown, kulanka ayaa ugu horayn ku bilaabmay is-xog-waraysi ku saabsan xidhiidhka soo jireenka ah ee JSL iyo dawladda Ingiriiska ay waddaagaan iyo sidii loo sii wadi lahaa xidhiidhkaasi saaxiibtinimo.
Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland
Addis -baba(RH):-Dowlada Itoobiya Ayaa si rasmi ah U Daah-furtey qaybinta lacag cusub oo ay dhawaan Soo Daabacday .
Dowlada Itoobiya Isniintii la soo dhaafay soo bandhigtay Noocyo Cusub oo lacag ah oo laga isticmaalidoono Dalkaasi Itoobiya,Lacagtan Cusub ayaa ah mid Badali doonta Guud ahaan lacagtii hore Dalkaasi looga isticmaali jirey ee loo yaqaanay Birta.
Hargeysa(RH):-Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland oo uu shirgudoominaayay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la horkeenay qorshaha dhisida guryaha shaqaalaha Dowlada Somaliland.
Hargeysa (RH):-Xildhibaanada Golaha Guurtidda Somaliland, oo uu shir-guddoominayay guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golahaasi mudane, Siciid Jaamac Cali, ayaa lagu ansixiyay xeerka la dagaalanka maandooriyaha, kaas oo lagu dhaqi doono bulshada Somaliland, fadhigaasi oo ay badi mudanayaasha golahaasi goob joog ka ahaayeen.
Hargeysa(RH):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) oo Warbaahinta kula hadlay Xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood ayaa Cadeeyey in laga helay Xannuunka Koofidh-19.
Hargeysa(RH):-Hanti-dhawraha guud ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Arimo Musuq-maasuq u Xidhay Xubno iskugu jira Masuuliyiin Dowladeed iyo Dad shacab ah .
Hanti-dhawraha guud ee Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Yuusuf Dirir Ayaa Warbaahinta U Cadeeyey in ay xabsiga u taxabeen saraakiil lagu eedeyay falal la xidhiidha musuq-maasuq iyo Dad kale oo Shacab ah.
Hargeysa(RH):-Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland ayaa shaacisay wakhtiga la qabanaayo tartanka Ciyaaraha gobolladda ee dalka.
Wasiirka wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha ee Somaliland Boos Mire Maxamed oo ay weheliyaan masuuliyiinta kale ee wasaaraddaasi ayaa sheegay in Ciyaaraha gobolladu ay ka kooban yihiin Kubada cagta, Kolayga iyo Ciyaaraha fudud, kuwaas oo ka qabsoomi doona caasimadda Hargeysa.
Hargeysa(RH):-Saddexda xisbi ee Somaliland ayaa maanta ka shiray dardargelinta hawlaha Doorashooyinka oo la filayo inay dalka ka qabsoonto 2021-ka.
Waxaanay saddexda xisbi Qaran ay si gaar ah uga doodeen shuruudaha lagu xulan-karo Musharixiinta Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee Somaliland.
Berbera(RH):-Xafiiska Hanti Dhawrka Qaranka Somaliland oo maalmihii ugu dambeeyey hawlo baadhis ah ka waday qaar kamid ah Xafiisyadda Hay’addaha laamaha dawladda Somaliland ee magaaladda Berbera ayaa xabsiga u taxaabay laba xubnood oo ka tirsan maamulka wasaaradda Degaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Somaliland.
Laascaanood(RH):-Maayarka Magaaladda Laascaanood ayaa maanta kulan la yeeshay Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo tuullooyinka hoos yimaadda Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool
Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta dawladda hoose ayay u jeedadiisu ahayd ansixinta buugga lagu hagi doono degmadda Laascaanood shanta sanadood ee soo socda
Pagination
- Previous page
- Page 19
- Next page