Hargeysa(RH):-Xildhibaanada Golaha wakiillada Somaliland ayaa Maanta Asixiyay Xeerka Nidaamka Ururada Iyo Asxaabta Siyaasada Qaranka Somaliland, xeer lanbar 14/2021, kaasi oo ay wax ka badal iyo kaabis ay ku soo sameeyeen golahaasi.
Hargeysa(RH):-Xildhibaanada Golaha wakiillada Somaliland ayaa Maanta Asixiyay Xeerka Nidaamka Ururada Iyo Asxaabta Siyaasada Qaranka Somaliland, xeer lanbar 14/2021, kaasi oo ay wax ka badal iyo kaabis ay ku soo sameeyeen golahaasi.
Hargeysa(RH):-Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ka furtay shirka wada tashiga iyo ansixinta siyaasadda qaran ee qorshaynta iyo qabyo-qoraalka xeerka qorshaynta qaranka.
Hargeysa(RH):-Shirweynaha Saddexaad ee Golaha Dhexe ee xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa maanta ka furmay Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa, waxana shirkaas dib loogu doortay Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) inuu noqdo Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbigaas uga qaybgalaya doorashada madaxtooyada ee lagu wado inay dalka ka dhacdo Bisha Novermber 2022ka, halka Murrashaxa madaxweyne Ku-xigeenkana dib loogu cugtay Maxamed Cali Aw Cabdi.
Hargeysa(RH):-Wasiirka wasaaradda cadaaladda Somaliland, mudane Saleebaan Warsame Guuleed, ayaa sheegay in ay joojiyeen guud ahaanba dadkii booqashooyinka ku tagi jiray 14-ka Xabsi ee gobollada dalka oo dhan, si maxaabiista Jeelasha ku jirta ay uga badbaado soo laba kaclaynta xannuunka safmarka ah ee Covid-19.
Hargeysa(RH):-Waxaa Maanta magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland Si rasmi ah uga furmey Shirka Ansixinta Hagayaasha Maamulka Iyo Baadhista Hirgalinta Nidaamka Mushahar-Bixinta Shaqaalaha Dawladda Somaliland
Shirkan ayaa waxaa Daah-furtey Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland,Waxaana ka soo qaybgalay Masuuliyiinta ugu sareysa Wasaaradaha iyo Hay’ada kala duwan ee dawlada Somaliland
Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi cabdi ayaa sheegay in xanuunka Covid-19 uu si xawli ah ugu fidaayo dalka islamarkaana loo baahan yahay in bulshadu qaadato fariimaha caafimaad ee wasaaradda horumarinta caafimaadka .
Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka gudoomay waraaqda aqoonsiga wakiilka Imaaraadka Carabtu u soo magacaabay Jamhuuriyadda Somaliland, Amb, Abdulla Alnaqbi.
Wakiilka oo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland soo gaadhsiiyey waraaaqaha aqoonsiga iyo salaan uu ka siday madaxda ugu saraysa dalka imaaraadka carabta ayaa uga mahadnaqay madaxweynaha sida qiimaha leh ee uu uga gudoomay.
Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta labada gole barlamaan u jeediyey khudbad sannadeedka dastuuriga ah .
Madaxweynaha oo khudbadiisa kaga hadlay arrimaha gudaha , arrimaha debadda , dhaqaalaha iyo waxyabaaha u hirgalay sannadkii dhammaaday ayaa u dhignayd sidan
“Mudanayaal iyo Marwooyin,
Hargeysa(RH):-Qiimaha Shidaalka ayaa kor u kac xoogan laga dareemayo todobaadkan guud ahaan gobollada Jamhuuriyadda Somaliland taasi oo keentay in shacabku ka muujiyaan qaylo dhaan xoogaan.
Bulshada gadiidlayda gaar ahaan basaska oo qayb ka weyn ka isu-socodka gobollada iyo magaaloyinka gudahooda ayaa sheegay in gacansatada keena shidaalka ay ku tacadiyaan shacabweynaha jamhuuriyadda Somaliland
Hargeysa(RH)Golaha guurtida Somaliland ayaa dood ka yeeshay xaaladda guud ee dalka, kaas oo ka mid ahaa qodobada ajandaha kal-fadhigooda 74aad oo ay golahaasi falan-qayntiisa ku jiraan.