Hargeysa(RH)Allah Ha U Naxariistee Qofkii 27 ayaa Magaalada Hargeysa Ugu Geeriyooday Xanuunka Covid-19 Marxuunkan geeriyooday ayaa da'diisu ahayd 68jir.
Sida ay Maanta Xaqiijisay Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland
Sidoo kale Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay 133 Qof oo Baadhitaano lagu sameeyey 48kii saacadood ee u danbeeyey in 46 Qof laga Helay Xanuunka Covid 19 ,Bukaanadan 29 waa Somalilander, 16 waa Hindi iyo 1 qof oo Kenyan. Bukaanadan 40 qof waa rag, 6 qofna waa dumar
Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:
(20jir ilaa 29jir = 11 qof)
(30jir ilaa 39jir = 19 qof)
(40jir ilaa 49jir = 3 qof)
(50jir ilaa 59jir = 6 qof)
(60jir ilaa 69jir = 4 qof)
(70jir ilaa 79jir = 2 qof)
(80jir ilaa 89jir = 1 qof)
Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 19 qof , Berbera 19 qof , Boorama 4 qof iyo Lowya cado oo ah 4 qof
Waxaa xanuunka ka bogsaday 6 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Sagaashan (90)