Boorama(RH):-Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska Somaliland Maxamuud Xasan Saajin ayaa soo kormeeray Dhismaha Biriijka cusub ee isku xidhaya Jaamacadda Cammuud iyo Magaalada Boorama.
Maxamuud Xasan Saajin oo hadal ka jeediyay kormeerkaa uu ku soo sameeyay Dhismaha cusub ee Biriijka isku xidhaya Boorama iyo Jaamacadda Cammuud ayaa Sheegay in Biriiijkaasi uu noqon doono halbawlaha isku xidhaya Jaamacadda Cammuud iyo Magaalada Boorama,
Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi. “Biriijkani waxa uu noqon doonaa halbawlaha isku xidhi doona Magaalada Boorama iyo Jaamacadda Cammuud waxaanu ku yimid Biriijkani deeq Madaxweynaha Somaliland ka timid,meeshan laga Samaynayo Biriijka waa meeshii daadku dadka ku xidhi jiray marka laga Tallaabayo Jaamacada Cammuud waxay ka mid tahay hawbawlaha Qaranka Somaliland.waxa ay ku jirtay dhibaato wakhtiga Roobabka aad iyo aad ayuu ugu Mahadsanyahay Madaxweynuhu Go,aankaa uu gaadhay ee in Magaalada Boorama iyo Jaamacadda Cammuud aanay kala xidhmin waxaana aad iyo aad ugu Mahadsan Jaamacadda Cammuud oo hawshan u dhabar adaygay,”.
Waxaa kale oo isna halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacada Camuud Prof. Saleebaan Cabdi Guuleed oo Sheegay in ilaa habeenkii Sagaalka iyo badhka Habeenimo laga Shaqeeyo Biriijkan isku xidhaya Jaamacadda Cammuud iyo Magaalada Boorama.waxaanu yidhi“Illaa Habeenkii Sagaalka iyo badhka habeenimo ayaa la Samaynayay Biriijkan Toddobada subaxnimo ayaana la bilaabaa,markaa degdeg ayuu ku socdaa Biriijkani waxaanan filaynaa in sidii loogu talo galay ay u socoto tayada Biriijku aad iyo aad ayay u wanaagsan tahay,waxaanan aad iyo aad ugu mahad naqaynaa Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Biriijkan ku deeqay.”