Xildhibaannada labada gole ee BFS oo meel mariyay miisaaniyadda 2022-ka

Muqdisho (RH)-Xildhibaannada labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah meel mariyay miisaaniyadda 2022, kaddib saddex maalmood oo dood adag ka socotay xaruntooda Villa Hargeysa.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo su'aalo adag la weydiiyay intii doodda socotey saddexdii cisho ee la soo dhaafay.

Labada guddoomiye ee golaha baarlamaanka iyo ku xigeenadooda ayaa fadhiyay kulanka, waxana ay u saareen misaaniyadda maanta la meelmariyay guddi baaritaan ku sameeya xisaab xirkii miisaaniyadda afartii sano ee la soo dhaafay oo aan la horkeenin labada gole ee Baarlamaanka, si loo ogaado cida leh mas’uuliyadda arrintaas.

Wasiir Beyle ayaa ku adkaystay in wasaaradiisa ay soo gudbisay miisaaniyadda afartiis anno ee la soo dhaafay.

Dhinaca kale, wasiirka maaliyadda ayaa soo dhaweeyay in labada gole ee baarlamaanka dalka ay maanta meel-mariyeeb Miisaniyadda Dowladda ee 2022.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu ku yiri "Hadda hore waan u sii socon karnaa maadaama la ansixiyay Miisaaniyadda si aan u fulino shaqooyinka Dowladda ee Bulshada loo qabto."

Kulanka baarlamaanka Xildhibaannada golaha baarlamaanka SoomaaliyaFadhigga baarlamaanka Kulanka baarlamaanka

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia 

Category