Ujeedada Kulan Dhexmarey Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Somaliland iyo Wafti ka socda Baanka Aduunka

Hargaysa(RH)Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada  Farxaan Aadan Haybe ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda Baanka Aduunka oo ka koobnaa saraakiisha ugu saraysa Xafiiska Nairobi iyo  xubno kale oo ka socday xafiiska Washington.

 

Waftiga oo ay Gudoomiyaha wada  Qaateen shir qaatay 4 saacadood iyo sooryo qado ah  oo isla xafiiska xarunta Hay’adda shaqaalaha Dawlada ay ku wada qaateen ayaa labada  dhinac waxa ay ka wada hadleen baraamijka xukuumada JSL ee dibu habaynta shaqaalaha iyo mashruuca Baanka Aduunku ku taageero siyaasada Xukuumada ee ah tayaynta, dibu-qaabaynta iyo taageerista aqooneed ee shaqaalaha Dawlada. Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Mudane Farxaan Aadan Haybe oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee hay’adda shaqaalaha, Xubno ka mid Komishanka, madaxda mashruuca ee Hargeysa iyo agaasimyaasha waaxyaha ee Hay’adda.

 

 Waxa uu waftigu si qoto dheer uga waramay barnaamijka dibu-habaynta shaqaalaha ee xukuumada JSL iyo ahmiyada uu u leeyahay qaranka si gaarana mashruuca tayaynta shaqaalaha.

 

Gudoomiyuhu isagoo arintaas ka waramaya waxuu yidhi sidan; “Waxa sharaf wayn noo ahayd in aanu shir waqti dheer ah la qaadanay Saraakiil sare oo ka socota Baanka Aduunka Mr Grogery iyo Miss Lucy oo ka kala yimi Nairobi, Kenya iyo Washington, USA. Waxaanu ka wada hadalay dadaalka Xukuumada ee dibu habaynta shaqaalaha iyo si gaar ah mashruuca dibu habaynta shaqaalaha Dawlada oo Hay’adda Shaqaalaha Dawladu la fuliso Baanka iyada iyo Wasaarado loo xulay hawshan. Waxaanu u sharaxnay halka hawshu imika marayso iyo waxa laga fuliyay qorshaha mashruuca oo ah mid hore loo sii dejiyay, waxaanay runtii ku farxeen sida dadaalka leh ee hawshaasi u socoto”.

 

Guddoomiyaha oo  hadalkiisa sii wata ayaa ydhi: “Dhinaca kalena waxaanu isla eegnay dardar gelinta siyaasadaha la xidhiidha hawlgabka si dhalinyarada fursad shaqo loo siin karo oo ka balaadhan inta imika iyo dhaqan gelinta siyaasadaha  shaqada iyo maamulka shaqaalaha. Waxa kale oo aanu la wadaagnay baahida loo qabo in shaqaalaha dawladu helaan adeeg caafimaad oo ay awoodi karaan iyo fursado hoy ay ku noolaadaan taas oo gacan ka gaysan karo baanka aduunka iyo dawladah gacanta siiya ayna wax wayn u tahay xukuumada soomaaliland  hadii baahiyahaasi noqdaan qaar rumooba oo wax wayn ka tari kara kor u qaadista niyada shaqaalaha iyo tayada shaqada labadaba”.

 

Guddoomiye Farxaan waxa uu sheegay inay ugu danbayn isla waafaqeen fulinta inta hadhay Mashruuca, waxaanu yiidhi: “Waxaanu ugu danbayn isla garwaaqsanay in fulinta inta hadhay mashruuca waqtigiisu iyo hawsha uu qabanayo ay keeni karto in la kordhiyo si uu baahiyaha kale ee ka baxsan qorshaha loogu talo galay uu wax ka tari karo.  Ugu danbay, waxa Gudoomiyaha Hayada Shaqaalahu oo ay weheliyaan xubnaha waftigu xadhiga ay ka jareen qaybaha cusub ee lagu kordhiyay xafiiskayada Hay’adda gaar ahaan qaybta kaydinta xogta iyo qaybta bixinta kaadhadhka shaqaalaha oo lagu rakibay server casri ah si loogu kaydiyo xogta shaqaalaha yo qalabka biometric ee xogta lagu qaado”.

 

Category