Sawirro: Madaxweynaha xilka banneenaya oo la kulmay madaxweynaha cusub

Muqdisho (RH)-Madaxweynaha xilka ka sii dagaya ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa maanta barqadii xarrunta madaxtooyada ee Villa Somalia ku qaabilay madaxweynaha la doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

Agaasimaha warfaafinta Cabdirashiid oo muuqaal uu soo duubay ku sheegay in labada madaxweyne ay iska xog wareesteen xaalladda guud ee dalka iyo sida ugu suurta galsan ay u dhici lahayd xil wareejinta xafiiska Madaxweynaha, iyadoo la isla gartay in si degdeg ah loo magacaabo Guddi arrintaasi ka shaqeeya, oo uu hoggaamin doono Agaasimaha Madaxtooyada Maxamed Cabdillahi Ciise.

Madaxweynaha cusub oo hadda degan hudheel ku dhaw garoonka Aden Cabdulle ayaa la filayaa in todobaadka dambe uu u guuro Villa Soomaaliya, halkaas oo lagu qaban doono munaasabad uu xilka si rasmi ah ugala wareegi doono Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

adaxweynaha cusub oo tegay Villa Somaliaadaxweynaha cusub oo tegay Villa SomaliaMadaxweynaha cusub oo tegay Villa Somaliaadaxweynaha cusub oo tegay Villa SomaliaMadaxweynaha la doortey oo tegay Villa Hargeysa

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category