Maxaa sababa dhalmo-la'aanta ragga?

Dr Adebayo Bamisebi, oo ah dhaqtar ku takhasusay cilmiga la xiriira taranka ragga ayaa sheegay sababaha ugu waawayn ee keena dhalmo-la'aanta ragga ay yihiin xowliga soo bixitaanka biyaha oo yar, xaddigooda oo yar iyo in uu jiro xanuun dhaawac u gaystay shahwada.

Dhaqtarka ayaa sheegay in haddii lamaanaha ay gogosha wadaagaan muddo lix bilood ah ama hal sano intaasna uu uur ku imaan waayo ay tahay calaamad muujinaya in labadooda mid uu dhib hasyto.

Dr Bamisebi ayaa intaas ku daray in haddii baaritaannada la sameeyo ay muujiyaan in tirada unugyada shahwada ay ka yar yihiin 15 milyan ay taas caddaynayso in ninka xagiisa uu ka jiro dhibka.

Muxuu yahay xalku?

Dr Bamisebi ayaa sheegay in la-tacaalidda dhalmo-la'aanta ragga ay ku kala duwan tahay marba waxa ay sababta tahay, xalkuna uu yahay mid ku salaysan cilmi baaris.

Waxa uu qabiirkan sheegay in dhakhtarka bukaanka la kulma uu ogaanayo sababta rasmiga ah kaddibna dhibaatada xallinteeda sidaas ku wajahayo.

Dr Bamisebi ayaa sheegay in cilladda dhalmo-la'aanta ragga ay mararka qaar sababi karto qalliin iyo habab kale oo loo adeegsado daawooyin.

Ragga dhibaatadan caafimaad qaba ayuu kula taliyay in ay iska ilaaliyaan qaadidda waxyaabo aad u culus iyo in ay ku dadaalaan cunista raashin nafaqo leh oo horumarinaya awooddooda dhalmada.

Sidoo kale, waxa uu ku boorriyay in raashinka ay cunayaan ay noqdaan kuwo laga heli karo maaddooyinka Vitamin C, Vitamin D iyo Zinc, kuwaas oo xoojiya tirada shahwada ragga.

Category