Maxaa ka dhacay fadhiggii maanta baarlamaanka Puntland ku yeesheen Garowe?

Garowe (RH)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya inuu jiro khilaaf u dhexeeya madaxweynaha Puntland iyo guddoonka wakiiladda Puntland.

Arrintan ayaa soo baxday kadib markii maanta guddoomiyaha golaha wakiillada PL, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil  uu soo xiray oo fadhi xildhibaannada ay ku lahaayeen magaalada Garowe.

Kulanka oo ahaa kalfadhiga 50-aad ee golaha wakiillada oo ay  goob-joog ahaayeen  56 mudane, waxaa golaha laga hor akhriyey codsi  uu golaha u soo gudbiyey Madaxweynaha Puntland, kasoo ku saabsaanaa in magacaabidda xubnaha  Garsoorayaasha Maxkamadda Sare dib loogu dhigo muddo 30 cisho ah. Waxaa codsigaas Madaxweynaha Oggolaaday  42 Mudane, waxaa diidey 6 Mudane,  halka ay ka aamuseen 8 Mudane. 

Dhinaca kale, guddoomiyaha golaha wakiilalda ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay dhaarinta ay Maxkamadda Rafcaanku dhaarinayso mas'uuliyiinta magacaaban, arrintaas oo ka hor imanaysa 132-aad qodobka ee Dastuurka Dawladda oo sheegaya in qof kasta oo xil sare ka qabanaya dawladda Puntland ay dhaarinayso Maxkamadda Sare ee Dawladda Puntland.  

Maxaa ka dhacay fadhiggii maanta baarlamaanka Puntland ku yeesheen Garowe?

Sidaas darteed Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa faray in mas`uuliyiinta Sare ee  Dawladda Puntland u hoggaansamaan  qodobka Dastuuriga ah ee kor ku xusan. 

Arrintan ayaa buuq ka dhex dhalisay fadhiga oo sidaas lagu soo xiray, waxaana jira warar sheegaya in xildhibaannada taageersan ay maanta ka soo qeybgalin si kulanka loo baajiyo, sida wararka ay sheegayaan.

Radio Hormuud

Garowe Puntland

Category