ISHA KU HAY KAADIDAADA !

RH. Qormadan waxaanu ka tarjuney wargeys caafimaadka NYT-SUNDT oo kasoo baxa Denmark.

Qoraalkan wuxuu diiradda saarayaa muhiimadda ay leedahay in fiiro gaar ah loo yeesho kaadida, maadaama ay bixin karto tilmaamo muhiim ah oo ku saabsan caafimaadkaaga iyo cudurrada suurtagalka ah in ay kugu imankaraan.

Urologist Dr.Poul Muller wuxuu tilmaamayaa, in kastoo in badan oo inaga mid ah aysan ka fikirin muuqaalka, urta, ama inta jeer ee aad kaadido maallintii, haddana arrimahan waxay dhab ahaantii muujin karaan wax badan oo ku saabsan caafimaadkeenna.

 Tusaale ahaan, midabka, urta, xaddiga, iyo inta jeer ee la kaadiyo ayaa tilmaami kara infekshanno, halka maadooyin gaar ah oo kaadida ku jira, sida dhiig, ketones, sonkor, iyo borotiin, ay noqon karaan calaamado muujinaya dhibaatooyin caafimaad oo khatar ah, oo ay ku jiraan cudurrada kalyaha iyo macaanka.

Maqaalku sidoo kale wuxuu muujiyey muhiimadda ay kalyuhu u leeyihiin jidhkeenna sida in ay yihiin shaandheeye oo ay ka saaraan qashinka dhiigga oo ay ubeddelaan kaadi.

Soo saaridda caadiga ah ee kaadida iyo sifooyinkeeda (sida inay cadahay oo midabkeedu yahay huruud iftiin) ayaa lagu sheegay sida ay arrimo kala duwan, oo ay ku jiraan waxa aan cunno iyo cabno, u saameyn karaan muuqaalka iyo urta kaadida.

Intaa waxaa dheer, waxaa laga hadlay dhibaatooyinka caadiga ah ee la xiriira kaadida, oo ay ku jiraan saameynta ay leedahay in muddo dheer la isku celiyo ama in si aad ah loo kaadiyo, taasoo keeni karta isbeddel ku yimaada awoodda kaadiheysta.

Waxaa la tilmaamay xaalado caafimaad oo gaar ah oo la xiriira habka kaadi mareenka oo saameyn kara labada jinsi(raga iyo dumarka), oo ay ku jiraan kaadi haysta oo nuglaata dumarka iyo prostate-ka oo weynaada ragga.

Muhiimadu waa ilaalinta dheelitirka wanaagsan iyo caadooyinka kaadida iyo in laga feejignaado wax kasta oo isbeddel ah oo kaadida la xidhiidha .

Sida ay khubarada caafimaadku sheegeen arinkan ayaa ah qeyb ka mid ah kormeerka caafimaadka guud ee qofka.

arinkan ayaa muujinaya in, inkastoo kaadida ay tahay mawduuc ay naan sidaas  ugu fikirin badanaa, hadan ay door muhiim ah ka ciyaarto fahamka iyo ilaalinta caafimaadkeena.  Waxaa tarjumey. Mohamed-Amin Siyad Abdi

Category