Xukuumadda Somaliland Oo Shaqaalaysiisay Arday Baahiyaha Gaarka ah Qaba Oo Dhamaystay Jaamacadda Abaarso Tech

Hargaysa(RH):-Xukuumadda Somaliland ayaa ballan qaaday in ay shaqaalaysiinayso ardayda baahiyaha gaarka ah qaba ee ka qalin jebiyay Jaamacadda Abaarso Tech ee magaaladda Hargaysa.


Sidoo kale xukuumadda Somaliland ayaa ballan qaadday in ay dhamaanba wixii kharashaad ah ka bixinayaan ardayda baahiyaha gaarka ah qaba ee sanadka soo socda doonaya in ay galaan waxbarashadda Jaamacadda Abaarso Tech.


Sidaasina waxaa shaaciyay wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo hadal ka jeediyay munaasibad loo qabtay dufcadii afraad ee arday ka qalin jebiyay kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Abaarso Tech.

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed, ayaa la dar-daarmay ardayda qalin jebiyay. Waxaanu ku boorriyay in aanay cid naba wax  ka sugin, isla markaana ay cilmi baadhis iyo waxyaabo horumar u ah bulshadda iyo dalka ay curiyaan oo ay la yimaadaan hal abuur.


Waxaanu ku hogo tusaaleeyay in aanay ku fekerin waxa uu dalkoodu u qaban karo, balse ay ku dedaalaan waxa ay iyagu dalkooda u qaban karaan.Waxaanu yidhi, “Ha is waydiin dalkaagu muxuu qaban karaa? Laakiin, is waydii maxaad adigu u qaban kartaa. Waxaa loo baahan yahay in aad ku dedaashaan in wixii aad barateen dalkiina iyo dadkiina aad uga faa’iidaysaan.

Jaamacadda Abaarso Tech, waxaan ku ammaanayaa in ay soo saareen, dadka baahiyaha gaarka ah qaba. Maynaan tijaabin dadkaasi in ay wax baran karaan. Laakiin, Jaamacadda Abaarso Tech way tijaabisay, in ay si fiican wax u barteen”

Wasiir Maxamed Kaahin oo hdalkiisa sii wata,ayaa yidhi.“Hablahaasi Jaamacadda Abaarso ka baxay, dawladdu way u ballan qaadday in ay shaqo siiso, oo la shaqaaleeyo.  Madaxweyne ku-xigeenka, iyo wasiirka wasaaradda Shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda iyo wasaaradda Daakhiliga, inta ku qoran ee qalin jabiyay kuwii hore na waa la shaqaaleeyay, imika na waan shaqaalaynaynaa dhamaantood ba.


Waxa kaloo aan u ballan qaadaynaa Jaamacadda Abaarso Tech, sannadka cusub ee soo socda dhamaanba wixii Hablo ah, ee baahiyaha gaarka ah qaba, annagaa ka masuul ah barnaamijkoodda waxbarasho. Hadday Master qaadanayaan, iyo hadday Degree qaadanayaan, iyo hadday jiraan qaar PhD qaadanaya ba.


Siyaasadda dawladda oo ay hagayso wasaaradda waxbarashadu, ayay ku qoran tahay in aynu ahmiyadda siinno dadka baahiyaha gaarka ah qaba. Laakiin, ayaynaan ahmiyadda siinin, qabyaaladda iyo wax aan waxba inoo taraynin”ayuu yidhi Maxamef Kaahin.

Geesta kale wasiirka oo hadalka sii watay ayaa dhallinyarada iyo bulshada ba kala dardaarmay in ay ka fogaadaan qabyaaladda.Waxaanu yidhi “Waxaynu doonaynaa mustaqbalkeenna in aynu ku dedaalno, taasi ayaana lagama maar-maan ah. Ta aynu kaga baxaynaana, waxa weeye, waxbarashadda in aynu kor u qaadno.
Nidaam dawladeed oo ina haga, oo waxbarashadda, iyo dhaqaalaha, iyo horumarka inoo haga na, waa in aynu ku dedaalno. Waa in aynu iska ilaalino wax kastoo nolosheenna iyo mustaqbalkeenna aan wax ba ku taraynin. Weligeed intii aynu dawlad soo ahayn, meel na ba kuma hayno, mustaqbalkeenna meel ay qabyaaladi wax ka tartay. Markaa dhallinyarooy, iyo bulshadda reer Somalilaanoow, haddii aynaan haynin, wax ba yay naan ka af-gobaadsane, dariiqaa aynu ka leexano, oo dariiq wax taraya, aynu u leexano”.

 

 

Category