Hargeysa (RH)-Guud ahaan magaalooyinka Somaliland waxaa ka socda tirinta codadka doorashadii isku sitkaneed ee shaley ka dhacday halkaas, waxaana dadka ay dhagta u tagayaan waxa ka soo baxaya natiijada.
Doorashadan oo waqtigeeda dib uga dhacday labo sanno, ayaa waxaa ka qeybgalay in ka badan hal milyan oo qof.
Dhinaca kale, guddiga doorashada qaran ayaa digniin u diray dad baraha bulshada ku faafiyay natiijooyin aan rasmi ahayn.
Doorashadii madaxtooyada ee shaley dhacday waxaa ku kala tartamaya saddex musharrax oo kala ah madaxweynaha hadda xilka haya Muuse Biixi Cabdi oo ka tirsan xisbiga Kulmiye, Cabdiraxmaan Cabdillaahi oo ka tirsan xisbiga mucaaradka Wadani iyo Feysal Cali Waraabe oo ka tirsan xisbiga kale ee mucaaradka ee Ucid.
Sidoo kale, dadweynaha waxa ay u codeeyeen saddexda xisbi siyaasadeed ee ka tallin doona 10ka sanno ee soo socda Somaliland.
Tirinta codadka waxa ay ka socotaa goobo kala duwan, balse ugu dambeyn waxa ay ku soo aruuri doontaa xarunta dhexe ee magaalada Hargeysa.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Muuse Xasan Yuusuf, ayaa sheegay in weli ay socoto tirinta codadka doorashada, iyadoo la eegayo habraacyada loogu talagalay tirinta codadka.
Guddoomiye Muuse ayaa sidoo kale ugu baaqay in dadku ay is dejiyaan kana war sugaan natiijada doorashooyinka oo ay guddigu soo saari doonaan marka la dhameystiro tirinta codadka.
Muddo toddobaad ah ayay qaadan doontaan in lagu dhawaaqo natiijada sida uu qabo xeerka u yaalla guddiga, waana 21-ka bishaan November.
Si kastaba, waxaa tan iyo xaley markii ay soo dhammaaday codbixinta doorashada, baraha bulshada lagu faafinayay warar aan sax ahayn oo ku saabsan natiijooyin ka soo baxay doorashada.
Doorashadan ayaa ku soo aadeysa iyadoo xiisad ay ka dhex taagan tahay dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya, taasoo ku saleysan isafgaradkii horaantii sannadkan dhexmaray xukuumadda Addis Ababa Somaliland.
Radio Hormuud
Studio 3
Hargeysa _Somaliland