Maxaa ka jira caasimadda Jigjiga iyo calanka deeganka Soomaalida la beddalayo?

Nairobi (RH)—Jabhadda ONLF ee ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay xaaladda dowlad deeganka Soomaalida, uuna socdo qorshe dadka Soomaaliyeed ee ku nool Itoobiya logu sheegayo inaysan sheegan Soomaali.

Madaxa Jabhadda ONLF Cabdiraxmaan Mahdi oo la hadlay Idaacadda VOA laanta af amxaariga ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay wado qorshe ay caasimadda dowlad deeganka Soomaalida ee Itoobiya loogu baddelayo Godey uuna socdo qorshe lagu kala qeybinayo Soomaalida.

''Qaar ka mid masuuliyiinta Soomaalida ayaa si cad u sheegay in maamulkii deeganka loo qeybin doono saddex, caasimaddii Jigjiga waa la baddelayaa oo waxaa loo wareejinayaa Godey calankiina waa la baddelayaa'' ayuu yiri Cabdirxmaan Mahdi.

Guddoomiyaha ONLF ayaa sidoo kale sheegay in dowlad deeganka Soomaalida lagu soo daabulayo ciidamo millitari ah, iyadoo garoonkii diyaaradaha Godey laga dhigay saldhig ciidan.

Arrintan ayaa ku soo beegmaya xilli khilaaf xooggan uu u dhexeeyo dowladdaha Itoobiya iyo Soomaaliya kaasoo ka dhashay heshiiskii is afgarad ee dowladda Itoobiya horaantii sannadkan la gashay Somaliland kaasoo ay kaga kireesaneyso saldhig ciidan oo badda ah.

Radio Hormuud

Studio 3

Nairobi Kenya

Category