Degmada Kolding oo ka jawaabtay dhaliil ku saabsan adeegga gurmadka caafimaadka guriga

RH: Maamulka degmada Kolding ee dalka Denmark ayaa qirtay inay jiraan dhibaatooyin dhanka adeegga gurmadka caafimaadka guriga (hjemmepleje) kadib markii dib-u-habeyn ballaaran lagu sameeyay 1-dii Abriil 2025.

Xaaladda hadda jirta:

  • Dadka waayeelka ah iyo kuwa xanuunsan ayaa ka cabanaya inay dib uga dhacdo adeegyada muhiimka ah sida keenista dawooyinka iyo qalabka caafimaadka.

  • Dadku waxay sheegeen inay waayeen jawaab marka ay taleefanka la xiriiraan maamulka degmada.

  • Waxaa la sheegay in bulshada aan loo sheegin xog ku filan oo ku saabsan isbeddellada dhacay.

Ururka dadka waayeelka ah ee degmada Kolding (Ældre Sagen) ayaa sheegay in xaaladda hadda jirta tahay mid qasan oo aan nidaamsanayn.

Jawaabta degmada Kolding:

Annette Lund oo ah madaxa waaxda arrimaha waayeelka ee degmada Kolding ayaa qiratay in isbeddelka weyn ee dhacay uu  sababay dhibaatooyin ku-meel-gaar ah. Waxay sheegtay inay ahayd muhiim in degmada si wanaagsan dadka ugu sheegto inay samraan, maadaama isbeddelka noocan ahi waqti qaadan karo kahor inta aanu si wanaagsan isugu dubadhicin.

Degmada ayaa samaysay kooxo cusub oo shaqaalaha caafimaadka guriga ah si ay dadka waayeelka ah iyo kuwa xanuunsan u helaan adeeg joogto ah oo wanaagsan, laakiin arrintaas ayaa sababay jahwareer maadaama shaqaalaha iyo nidaamyada hawsha qabanaya labadaba la beddelay.

Waxaa sidoo kale la sheegay in degmada si dhow ula socoto xaaladda dadka loo qorsheeyay inay adeegyada helaan, si loo hubiyo in qofna aan la hilmaamin.

Annette Lund waxay caddeysay in degmada ay habeen iyo maalinba ka shaqeynayso sidii loo xallin lahaa dhibaatooyinka hadda jira, waxayna ka codsatay bulshada inay muujiyaan dulqaad inta xaaladdu caadi kusoo noqonayso.

Baahinta Radiohormuud

Tarjumaada: Mohamed-Amiin

Category