Al Shabaab oo dil toogasho ah ku fulisay dad lagu eedeeyay basaasnimo

Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay dil toogasho ah ku fulisay lix qof oo ay ku eedeeysay inay basaas u ahaayeen sirdoonka Soomaaliya iyo Mareykanka, sida ay ku warrantay warbaahinta Al Shabaab.

Lixdan qof ayaa lagu toogtay goob fagaare ah oo ay dadweyne ku sugnaayeen oo ku taalla tuulada Buulaay oo dhacda gobolka Baay Soomaaliya.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa sidoo kale ku warrantay in raggan ay basaas u ahaayeen sirdoonka Soomaaliya iyo Mareykanka isla markaana ay kaalin ka qaateen dil loo geystay saraakiil ka tirsan Al Shabaab, odeyaal iyo dad kaleba.

Xiggasho: BBC

Category